1383 Views

Ammaanka Magalada Garoowe Oo Siweyn Loo Adkeeyay

Ammaanka Magalada Garoowe Oo Siweyn Loo Adkeeyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Diseembar 28, 2018 –Magalada Garoowe oo la filayo in horaanta Sanadka soo socda ee 2019 oo maalmo kaliya inaga xigaan  ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ammaankeeda siweyn loo adkeeyay.

Wadooyinka waaweyn iyo Goobaha muhiimka ah ee Magalada ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamada booliska Puntland,kuwaas oo mararka qaar baaritaano ku sameynaya Gaadiidka yar yar ee Magalada ku sugan oo qaarkood ay Madaxda wataan.

Isbedel weyn ayaa laga dareemayaa Magalada Garoowe,waxaana sidoo kale ku sugan musharixiin ku dhow 40 kuwaas oo u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland.

Wasiirka Amniga Puntland iyo taliyaha Amniga doorashada ayaa maalma ka hor waxa ay siwadajir ah u sheegeen in aan marnaba la ogolaan doonin in Magalada dhexdeeda hubka la isaga wato,waxaana musharixiinta lagu amray inay ciidamadooda xakameeyaan.

Xilliyada habeenkii ayaa Magalada Garoowe waxaa aad looga dareemayaa feejignaan dhinaca amniga ah,waxaana yaraaday sida dadka Magalada Garoowe ay sheegeen burcad xilliyada habeenkii mararka qaar dadka mobelada ka dhici jirtay.

8 Bisha soo socota ee Janaayo Sanadka 2019 ayaa la filayaa in Magalada Garoowe ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland iyo ku xigeeniisa,waxaana Magalada Garoowe laga dareemayaa qaban qaabada doorashada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment