657 Views

Cayaaryahan Benjamin oo sheegaya in mid ka mid ah naadiyada kubadda cagta ee Masar uu ka khiyaamay lacag dhan 1 milyan oo doolar

Cayaaryahan Benjamin  oo  sheegaya in mid ka mid ah naadiyada kubadda cagta ee Masar uu ka khiyaamay lacag dhan 1 milyan oo doolar
____________________________________________________________________________

 

February  26, /2/ 2021

 

Benjamin Acheampong ayaa sheegaya in mid ka mid ah naadiyada kubadda cagta ee Masar uu ka khiyaamay lacag dhan 1 milyan oo doolar.

Cayaaryahankan reer Ghana ayaa sannadkii 2018-kii waxaa lacag dhan 1milyan oo doolar ka khiyaamay naadiga weyn ee Zamalek oo ka dhisan dalka Masar Maxkamdda cayaaraha ay amar ku bixisay laba bilood ka hor in cayaaryahanka la siiyo lacagtiisa, balse ilaa iyo hadda lama siinin.

30-jirkan ayaa u sheegay BBC Sport Africa: “Tani sax maahan , reerkeena ayaan ka biillanaa arrimahan.” Dadka uma dhaqmi karaan sida xoolaha oo kale, waxaan nahay bini’aadam waxaana u nimid halkan inaan shaqeysano.

Maaddaama mid ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Afrika lagu eedeeyay inay ‘ka faa’iideysatay’ qandaraaska ciyaaryahan aysan dooneynin, waxaa lagu eedeeyay inay ku kacday “anshax xumo”, “cabsi gelin” iyo “naxariis la’aan” .

Acheampong, oo ah weeraryahan, ayaa kooxda Qaahira ugu biiray heshiis afar sano ah sanadkii 2017-kii laakiin wuxuu joojiyay qandaraaskiisa 11 bilood ka dib, isagoo sheegay in Zamalek waligiis uusan siinin wax lacag ah.

Waxa kale oo uu sheegay in markii uu ku biiray kooxda kale ee reer Masar ee Petrojet oo uu muddo shan bilood ah ku qaatay 2018-kii, lagu khiyaameeyay inuu saxiixo dukumiinti sheegaya in aanu ka haadli doonin mushaharkiisa Zamalek inta uu joogo Petrojet balse qandaraaskiisa oo dhan.

“Qofna taasi ma sameyn lahayn ,” ayuu yiri Acheampong. Waxa kaliya ee aan u saxiixay waxay ahayd in Petrojet ay i siiso nus-xilli ciyaareedkii aan ciyaari lahaa. “

Fifa, ayaa maalinta Qamiista ahayd furtay dacwad ka dhan ah Zamalek, taas oo kooxda u soo jiidan karta ganaax dhanka suuqa kala iibsiga ah iyada oo laga yaaba in laga jaro dhibco ama lagala laabto .

“Waa in la ciqaabo,” ayuu yiri Acheampong.

Falal anshax xumo ah

Naadiga Zamalek waxaa la aasaasay 1911, waxa uu ka mid yahya naadiyada ugu caansan Afrika, waxa uu ka dhisanyahay waddanka ugu guulaha badan Afrika iyo bariga dhexe haddii ay ahaan lahayd dhanka naadiyada iyo qarankaba ee kubadda cagta.

Marka la eego naadiyada ka dhisan Masar iyo Afrikada kaleba, naadiga Al Ahly oo kaliya ayaa u babac dhigi kara oo isagana haysta 5 koob oo Afrika ah iyo 12 horyaal oo Masar ah.

”Aad iyo aad baan ugu faraxsanaa markaan ku biirayay naadiga”, ayuu yiri Acheampong oo Zamalek ku biiray sannadkii 2017-kii.

”Haddii aad hesho fursad aad ugu biirto Zamalek, waxaa tahay cayaaryahan weyn.”

Kulankiisii ugu horreeyay waxa uu saftay bishii December, markaasi oo uu dhaliyay laba gool, ka hor inta uusan noqon weeraryahankooda afka hore uga dheela. Balse bil ka dib Tababaraha Zamalek ayaa labaddalay waxaan lagu badalay macalin cusub oo aanan qorshihiisa ku jirin Cayaaryahankan reer Ghana.

Dabayaaqadii bishii Janaayo, Acheampong amaah ahaan ayaa loogu wareejiyay kooxda Petrojet.

Dabayaaqadii bishaas, wuxuu ku biiray koox ka dhisan dalka Qatar balse markii ay kooxda Zamalek ku adkaystay inuu ka tanaasulo sheegashadiisa kooxda ka hor inta aan la siin waraaqaha ay u baahan tahay Fifa si ay u oggolaato heshiiskiisa.

Dhanka kale Zamalek way ka gaabsatay inay BBC-da arrimahani faahfaahin ka siiso.

Khamiistii Guddiga Fifa ee qaabilsan akhlaaqada ayaa soo saaray mid ka mid ah sharciyadeeda qeexaya suurtagnimada ah in naadiga lagu soo rogo cunaqabateenno.

”La soo wareegidda cayaartooy cusub ayaa laga mamnuuci doonaa ilaa ay ka bixiyaan lacagta lagu amray inay bixiyaan”, sida uu qeexayo qodobka 15 ee shuruucda FIFA.

Waxaa sidoo kale suurogal ah in dhibco laga jaro amaba lagu amro iney ka dheelaan tartanada hoose ee kooxaha yaryar.”

Inkastoo uu kelinimo ku dareemayo magaalada Qaahira hadana Acheampong waxa uu sheegayaa inuu ku jiro dagaal ay gacanta ku hayaan khuburo oo uusan keligii ahayn.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post