870 Views

Sheekh Shariif oo sheegay in 30 sano kadib dalka lagu celinayo nidaamka Kali- Talis

Sheekh Shariif oo sheegay in 30 sano kadib dalka lagu celinayo nidaamka Kali- Talis
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October11 -2019 —Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee dowladii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in xilligaan xaaalada dalka ay qabaan walaac farabadan,sidaas daraadeedna caleema saar kaliya aysan u tegin Magaalada kismaayo.

Waxaa uu sheegay inay yeelanayaan wadatashiyo kala duwan,kadib walwal badan ay ka qabaan sida ay wax u socdaan,hayeeshee ay hadda ku baraarugeen,isla markaana aysan aqbaleyn in sharciga laga tago.

“Runtii aniga waxaa leygu tirinayay dadka aad dowladda ugu dhow oo dadka dhaha hala daayo,maantana xaalada waad la socotiin,30 sano kadib naloo celiyo nidaam kali talis ah oo aan ogoleyn sharci iyo soomaalinimo,balse waxaa Alle mahadiis ah in aan ku wada baraarug sanahay u wada joogno taladeeda wada leenahay waana jecel nahay dowladnimada ayuu yiri”Sheekh Shariif.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ku wada joogaan sharci  iyo dastuur ayna wanagsan tahay in lagu wada dhaqmo,isla markaana aysan dooneyn in dowladnimada ay u dunto in sharciga lagu dhaqmi waayo.

Ugu dambeyn Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ayuu soo hadal qaaday Sheekh Shariif,waxaana uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo aysan xilka ku heysan laakin ay doonayaan inay dhacdo doorasho xur iyo xalaal ah o aysan noqon mid dad gar ah ay sameystaan.

Hadalkan ayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu sheegay xilli uu tegay Magaalada Kismaayo halkaas oo la filayo inay ka dhacdo xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment