1245 Views

Madaxda Puntland, Jubbaland iyo Galmudug oo labo qodob xasaasi ah kala hadlay Wakiilada Beesha Caalamka

Madaxda Puntland, Jubbaland iyo Galmudug oo labo qodob xasaasi ah kala hadlay Wakiilada Beesha Caalamka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 21, 2019 –Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya ayaa waxaa kulan ku yeeshay qaar kamid ah Madaxda m

Madaxda Maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya.

 

Kulamada oo isugu jiray kuwo guud iyo mid gaar ah ayaa waxay Madaxda Maamul goboleedyada kala hadleen arrimo kala duwan oo la xiriira taageerada Beesha Caalamka, siyaasadda iyo khilaafka xilligan ka dhex taagan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo hakad geliyay wada shaqeyntii labada dhinac.

 

Ilo wareedyo muhiim ah oo ku sugan Nairobi ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ay kala hadleen Wakiilada Beesha Caalamka labo qodob oo kala ah.

 

In macaamil gaar ah lala yeesho maamul goboleedyada, halkii taageerada loo soo marsiin lahaa dowladda Federaalka iyo in la sameeyo Road Map doorasho, maadaama ay sheegeen in aysan Xukuumadda weli diyaarin nooca doorashada.

 

Waxaa kaloo Madaxda Maamul Goboleedyada ee ku sugan Nairobi u caddeeyeen Wakiilada Beesha Caalamka in aysan helin casuumaad kulankii la iclaamiyay ee dhici lahaa 19 April Shirka Amniga Qaranka, waxaana ay tilmaameen in ujeedadu aheyd in Ra’iisul Wasaaraha la shir tago Mareykanka in xiriirka maamulada iyo dowladda dhexe uu wanaagsan yahay.

 

Dowladda Federaalka ayaa laga sugayaa in ugu dambeyn bisha June soo bandhigto hannaanka doorashada Soomaaliya, iyadoo la sheegayo in dowladdu ay qorsheyneyso muddo kororsi.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment