393 Views

Kusimaha Madaxweynaha Jamuuriyada oo kulan la qaadatay Kuxigeenka Wakiilka Gaarka Ah Ee Qaramada Midoobe Marwo Kiki Gbeho.

Kusimaha Madaxweynaha Jamuuriyada oo  kulan la qaadatay Kuxigeenka Wakiilka Gaarka Ah Ee Qaramada Midoobe Marwo Kiki Gbeho.
____________________________________________________________________________

Isniin: July 11, 2022

Kusimaha Madaxweynaha Jamuuriyada Fadaraalka Soomaaliyed Ahna Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ahna Guddoomiye ku Xigeenka 1aad Ee golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasin Samatar Ayaa kulan la qaadatay Kuxigeenka Wakiilka Gaarka Ah Ee Qaramada Midoobe Marwo Kiki Gbeho.

Sidoo kale Kulanka waxaa qeeyb ka Ahaa Xoghayaha Guud Ee golaha shacabka Abdikarim Buux iyo Habdhawraha golaha shacabka xil.Mohamed Abdulahi Hassan Nuux,

Waxaana kulanka diiradda lagu saaray sidii loo dardar gilin lahaa Arimaha hortabinta u leh golaha shacabka Gaar Ahaan Arimaha Haweenka Arimaha Xuquuqul insaanka iyo taakulaynta Shacabka Soomaaliyed ee Abaaruhu sameeyeen.

Kuxigeenka Wakiilka Gaarka Ah Ee Qaramada Midoobe Marwo Kiki Gbeho ayaa u mahadcelisay Guddoomiye ku Xigeenka 1aad Ee golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasin Samatar, iyadoona balan qaaday in ay kala shaqeeyn doonto Arimaha Haweenka Arimaha Xuquuqul insaanka iyo taakulaynta Shacabka Soomaaliyed ee Abaaruhu halakeeyeen.

.

Office Nairobi  Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post