975 Views

Beelo dagaalsanaa oo heshiis ku gaarey degmada Dooloow ee Gobolka

Beelo dagaalsanaa oo heshiis ku gaarey degmada Dooloow ee Gobolka
____________________________________________________________________________

Talaado: August 3, 2021

Colaad bishii hore degmada Doolow ee Soomaliya ku dhex martay laba beelood oo halkaasi wada daga, ayaa gaarey heshiis nabadeed

Heshiiskan ayey in muddo ah kasoo shaqeynayeen ergooyin labada beelood ah, oo ay dirirtu dhex martey u kala dab qaadayey.

Waxey labada beelood ku heshiiyeen in colaadda la joojiyo, dadka colaaddaasi ku barakaceyna ay deegaanadooda dib uggu soo noqdaan.

Warqadda lagu baahiyey go’aanka ergada ee heshiiska labada beelood, ayaa waxaa lagu sheegay ciddii heshiiskaasi u hoggaansami weyso in tallaabbo sharci ah laga qaadayo.

Guddoomiyaha ergada labada beelood ee ku dagaalantey degmada Dooloow Soomaaliya, Macalin Xasan Cali Cabdille, ayaa sheegay in lagu dagaalamey dhul beereed iyo dhul deegaan, taasoo uggu danbeyn laga heshiiiyey.

Wuxuu intaa ku darey guddoomiyuhu in dhulka la isku heysto lagu kala furdaamin doono lahaanshihiisa maxkamadaha gobolka, sidaasna lagu soo gaba gabeynayo muranka

.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post