1071 Views

Wararkii ugu dambeeyay Howlaha Aaska Qaran ee Marxuum Eng Yariisow

Wararkii ugu dambeeyay Howlaha Aaska Qaran ee Marxuum Eng Yariisow
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 03,, 2019 —Saalax  Xasan  Cumar Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir  ayaa faah-faahin ka bixiyay halka ay marayaan howlaha qaban-qaabada aaska Qaran ee Maanta lagu wado in Muqdisho loogu sameeyo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir oo dhowaan ku geeriyooday Magaalada Doxa ee Dalka Qatar.

 

“Run ahaantii Guddigu waxay soo qabteen howlo fara badan, iyadoo la marayo howlihii ugu dambeeyay iyo diyaar garoowgii ay Guddigu ku jireen, waxaana la filayaa in Marxuumka Meydkiisa lasoo gaarsiiyo Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Afhayeenku.

 

 

 

Waxaa uu sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Hay’addaha Ammaanka inta lagu guda jiro Aaska Qaran ee Marxum Yariisow

 

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa dhowaan Guddi ka kooban 14 Xubnood, isuguna jira Wasiirro, Wasiir ku xigeenno iyo maamulka Gobolka Banaadir u xil saaray aaska Qaran ee loo samaynayo Maanta Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Allaha u Naxariistee, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow).

 

Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqa Muqdisho, Eng; C/raxmaan Cumar Cusmaan, ayaa lagu wadaa in Maanta oo Sabti ah, laga soo qaado Meydkiisa Magaalada Doxa ee Dalka Qatar, isla markaana  aas Qaran loogu sameeyo Magaalada Muqdisho, iyadoo qaban-qaabada laga dareemayo gudaha Caasimadda Muqdisho.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment