1137 Views

Maamulka Jaamacada Benadir oo dhagax dhigay dhismaha xarun cusub (Sawirro)

Maamulka Jaamacada Benadir oo dhagax dhigay dhismaha xarun cusub (Sawirro)
____________________________________________________________________________

Munaasabad lagu dhagax dhigayey dhisme cusub oo lagu kordhinayo Kambaska Prof. Caddow ee Jaamacada Benaadir ayaa lagu qabtay xarunta Kambaska ee magaalada Muqdisho. 

Dhismaha cusub ee lagu kordhinayo Kambaska Prof. Caddow ee Jaamacada Benaadir ayaa ka kooban Saddex dabaq oo laga sameynayo Fasalo wax lagu barto, xafiisyo iyo goobo loogu talo galay shirarka iyo kulamada sida uu sheegay Eng. Kaamil Max’uud Siyaad oo ka mid ah howlwadeenada Shirkadda KANZ Engineering Services Co. oo iyadu ku guuleysatay qandaraaska lagu dhisayo qeybtan cusub. 

Eng. Kaamil Max’uud Siyaad ayaa intaas ku daray in shirkadooda ay tartan la xiriira dhismaha mashruucan la gashay Shirkaddo kale, ayna iyagu ku guuleysteen ugu dambeyn isagoo balan-qaaday iney waajibaadkooda shaqo sidii loogu talo galay uga soo dhalaali doonaan. 

Prof.Dr. Max’ed Max’uud Cali (Fuje) oo ka tirsan Mu’asasiinta iyo Macallimiinta Jaamacada Benaadir ayaa isna sheegay in baahi weyn loo qabay dhismaha xaruntam cusub, maadaama buu yiri ay sanadba sanadka ka dambeeya ay sii kordhayaan ardayda wax ka barata Jaamacadda, isagoo Maamulka Jaamacada ku amaanay dedaalka ay ugu jiraan sidii ardaydu u heli lahaayeen xarumo wanaagsan oo ay wax ku bartaan.  

Guddoomiyaha Jaamacadda Benaadir Dr. Maxamed Max’uud Xasan (Biday) oo isna munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay dhagax dhiga dhismaha cusub ee lagu kordhinayo Kambaska Prof. Caddow. 

“Qorshaha dhismahan cusub muddo dheer ayuu soo socday lana qorsheynayey, dedaal badan ka dib ugu dambeyn maanta ayuu ILAAHAY nagu guuleeyey inaan dhagax dhigno, dhulka uu ku fadhiyo kambaskan weyn waxaa iska leh Jaamacada Benaadir, dhismaha xaruntan cusubna waxaa uu ku yimid isku tashi ay sameysay Jaamacada, mana jirto heyad, dowlad ama cid kale oo naga taageertay, taasoo ah guul weyn oo u soo hoyatay bahda Jaamacadda ” ayuu yiri Guddoomiyaha Jaamacadda Benaadir. 

Dr. Biday ayaa intaas ku daray nin dhismaha xaruntan cusub lagu dhameystiri doono muddo aan sidaa u fogeyn, ayna Jaamacadu kaga kaaftoomi doonto dhismayaasha kirada ah, isagoo u mahad celiyey Mu’asasada tacliinta sare ee Benaadir iyo dhamaan intii kale ee ka qeyb qaadatay dhagax dhiga iyo hirgelinta dhismahan cusub. 

Waxaa sidoo kale Munaasabadan hadalo kala duwan ka jeediyey Masuuliyiin ka tirsan Maamulka iyo Mu’asasada Jaamacada Benaadir oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca Maamulka iyo Maaliyada ee Jaamacada Benaadir Dr. C/raxmaan Xassan Cumar, Hormuudka Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacada Dr. Tahliil Cabdi Afrax, Hormuudka arrimaha ardayda Raage Maxamed Shahiid, Prof. Axmed Yuusuf Guuleed, Dr, C/samad Abiikar Xaaji, Dr. C/raxmaan Macalin Fiqi iyo xubno kale. 

Jaamacada Benaadir oo ka mid ah Jaamacadaha ugu tayada wanaagsan Somalia ayaa haatan ku shaqeysa saddex kambas oo waaweyn kuwaasoo labo ka mid ah ay Jaamacadu leedahay, waxaana intaas dheer Isbitaal weyn oo lagu tababaro ardayda barata Caafimaadka, Sheybaaro casri ah oo ay leeyihiin kuliyaddaha Jaamacada qaarkood, Beero iyo xarumo kale oo loogu talo galay in ardayda loogu fududeeyo Waxbarashada. 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post