1062 Views

Abuukaate Caydiid oo difaacay dhaarinta Wasiirka cusub ee Amniga

Abuukaate Caydiid oo  difaacay dhaarinta Wasiirka cusub ee Amniga
____________________________________________________________________________

Jimco: September 10, 2021

 Abuukaate Caydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Dalka oo wareysi siiyay BBC-da ayaa difaacay dhaarinta Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha XFS Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo uu dhaariyay Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya balse uu sharci darro ku tilmaamay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Caydiid waxa uu tallaabo sharciga waafaqsan ku tilmaamay dhaarinta Wasiirka Cadaaladda uu sameeyay, halka dhaarta Baarlamaanka ee Wasiirka cusub lala sugayo Baarlamaanka soo socda maadaama qayb kamid ah la doortay sidaasna uu ku idlaaday howlaha Baarlamaanka 10-aad sida uu hadalka u dhigay.

Is qabqabsiga madaxda iyo doodaha la cuksanayo dastuurka waxa uu ku sheegay Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Dalka Caydiid Ilka Xanaf in Dastuurka KMG ah uu caddeeyay awoodda Madaxda & Hay’adaha kala duwan ee Dowladda balse la iska indha-tirayo.

“Sharciga la dhigtay ee lagu heshiiyay haddii aan la raacin waxaa imaanaya is qabqabsi, Dhaarinta Wasiirka Amniga waa mid sax ah balse tan Baarlamaanka waxaa lala sugayaa Baarlamaanka cusub, kan haatan jooga waqtigiisu wuu dhammaaday oo qayb kamid ah ayaa la doortay” ayuu yiri Ilka Xanaf.

Mar uu ka hadlay awoodda Madaxweynaha ee la xiriirta in uu yahay Taliyaha guud ee Ciidamada waxa uu ku sifeeyay “in lagu maamuusayo oo keliya laakiin aanay ka dhigneen in dhanka shaqada ay tahay” sida uu hadalka u dhigay.

“Dastuurka aan ogaa wax nuucaas ah oo dhibaato ah kuma jirin balse dadka iyaga ayaa is qabqabsanaya, marka la leeyahay Madaxweynaha waa Taliyaha guud ee Ciidamada taasi waa sharaf ee shaqo ma aha oo Dastuurka ayaa lagu qori lahaa” ayuu yiri Abuukaate Caydiid Ilka Xanaf.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post