2535 Views

Axmed Madoobe oo xilkii ka qaaday Wasiirkii Amniga Jubbaland ( Wareegto)

Axmed Madoobe oo xilkii ka qaaday Wasiirkii Amniga Jubbaland ( Wareegto)
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 24da Maarso, 2021–Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa xilkii waxaa uu ka qaaday Wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ( Janan).

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa lagu shaaciyay xilka qaadista Wasiirkii Amniga, hayeeshee aan lagu faah fahin sababaha keenay xilka qaadista.

Warqadda xilka qaadista Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa waxaa ay soo baxday 20kii Bishaan, hayeeshee ugu dambeyn Maanta Madaxtooyada Jubbaland ay shaacisay.

24-kii Saacadood warar soo baxayay ayaa sheegayay in Wasiirkii Amniga Cabdirashiid Janan uu wada-hadallo & heshiis la galay dowladda Soomaaliya, iyada oo arrintaasi ay keentay in Madaxweynaha Jubbaland uu xilka ka qaado.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada xilka qaadista Wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post