1458 Views

Sawirro:-Baarlamaanka Jubbaland Oo Maanta Ansixiyay Guddiga Doorashooyinka Ee La Magacaabay

Sawirro:-Baarlamaanka Jubbaland Oo Maanta Ansixiyay Guddiga Doorashooyinka Ee La Magacaabay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  24, 2019 –Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa Maanta waxaa kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Baarlamaanka maamulkaas.

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa kulankoodka ku meel mariyay Guddiga Madaxabanaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Cod gacan taag ah ku ansixiyay Guddiga,waxaana Guddigaan uu ka kooban yahay 7 Xubnood,iyadoona xalay uu magacaabay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Guddigaan ayaa haatan waxa ay si toos ah u gudan doonaan Shaqooda ,isla markaana ka shaqeyn doona arrimaha Doorashooyinka Jubbaland.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment