363 Views

Hogaamiyeyaasha Midowga Yurub oo wajahaya cadaadis isa soo taraya si ay u cunaqabatayn u saaraan tamarta uu Ruushka

Hogaamiyeyaasha Midowga Yurub oo  wajahaya cadaadis isa soo taraya si ay u cunaqabatayn u saaraan tamarta uu Ruushka
____________________________________________________________________________

Arbaco: April 6, 2022


  Hogaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa wajahaya cadaadis isa soo taraya si ay u cunaqabatayn u saaraan tamarta uu Ruushku dibadaha u dhoofiyo iyagoo ku eedaynaya in ciidamada Ruushku ay dambiyo dagaal ka gaysteen Ukraine.

Golaha Midowga Yurub ayaa soo jeedinaya in la mamnuuco dhoofinta dhuxusha hase ahaatee madaxa golaha Yurub Charles Michel ayaa sheegay in uu rumaysan yahay in goor ay haataba aan laga fursan doonin in la qaado tillaabooyinka lagu beegsanayo saliidda iyo gaaska Ruushka.

Mar ay hadal ka jeedinaysay baarlamaanka Yurub, ayaa madaxweynaha Midowga Yurub , Ursula von der Leyen, ayay hoosta ka xariiqday in goleheedu uu cunaqabatyn shanaad saarayo Ruushka oo ay haatan beegsanayaan dhuxusha iyo gaaska dabiiciga ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post