936 Views

Midowga Africa oo shegay in Itobiya ay ka dhacday Doorasho Xalaal ah

Midowga Africa oo shegay in Itobiya ay ka dhacday Doorasho Xalaal ah
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 23 2021  

Korjoogtada doorashada ee ka socota Midowga Africa, ayaa sheegay in inkastoo ay jiraan caqabado la xiriira tasiilaadka, cudurka Covid19 iyo ismaan dhaaf siyaasadeed oo kuhor gudbanaa doorashada guud ee Itoobiya, haddana iyadoo ay waxaas oo dhan jiraan, waxaa ka qabsoontey doorashada nidaamsan, oo nabad ah la iskuna haleyn karo Itoobiya.

Warar hordhac ah oo ay soo saareen korjoogtadan maanta oo Arbaca ah, Madaweynihii hore ee Nigeria, oo ah madaxa guddiga, ayaa sheegay in korjoogtada loo oggolaaey iney tagaan shan gobol, iyo labadda is maamul ee magaalo, si ay u indha indheeyaan furitaanka, xiritaanka doorashada iyo hannaanka tirinta codadka.

Guddiga ayaa carabka ku adkeeyey in korjoogtada caalamiga iyo kuwii ka socdey gudahaba loo oggolaadey, si aan dhib ku jirin iney galaan oo ay kormeeraan goobihi ay codbixinta ka dhaceysay, si ay u gutaan waajibaadkooda, mana soo food saarin wax caqabad ah.

Warbixinta ayaa tilmaameysa inaanu guddigu arkin wax u dhimaya doorashada hufnaanteeda illaa iyo hatan.

Doorashada Itoobiya ayaa la qabtey iyadoo ay jiraan dagaallo iyo ismari waa siyaasadeed, taasoo ku dhowaad 20% deegaanada doorashooyink aaney codbixin ka dhicin, oo ay ku jirto gobolka Tigray oo uu hala keeyey dagaal.

Midowga Yurub ayaa la baxey intaaney bilaaban doorashada kormeerayaashiisii oo uu soo direy.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post