1422 Views

Wafdi ka socda Guddiga Amniga ee Midowga Afrika oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi ka socda Guddiga Amniga ee Midowga Afrika oo soo gaaray Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 25, 2018 —Magaalada Muqisho waxaa maanta soo gaaray Wafdi ka socda Guddiga Amniga ee Ururka Midowga Afrika.

Wafddigan oo ka kooban 27 xubnood waxaa hoggaaminayay Maxamed Idiriis oo ah Danjiraha Jabuuti ee Itoobiya iyo Midowga Afrika.

Wafddigan waxaa ay la socdeen Diyaarad ay leedahay Dowladda Itoobiya,kuwaas oo lagu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Waxa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya C/Qaadir Axmed Kheyr iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire  Francisco Madeira.

Wafdigan ayaa kulamo kula qaadanaya Magaalada Muqdisho madaxda dowladda Federaalka ah, Saraakiisha Qaramada Midoobey, waxaa ay sidoo kale booqanayaan Dowlad Goboleedyada iyaga oo la kulmaya madaxda Maamul Goboleedyada ka jira Soomaaliya.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment