1125 Views

SAWIRO:-Shir looga hadlayo Arrimaha Dastuurka oo ka furmay Baydhabo

SAWIRO:-Shir looga hadlayo Arrimaha Dastuurka oo ka furmay Baydhabo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 19 2019 —Wasaarada Dastuurka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa Maanta Magaalada Baydhabo ay ka furtey Shir wada-tashi ah,kaas oo  looga hadlayo Arrimaha Dastuurka dalka.

 

Shirka oo soo qaban qaabisey Wasaarada Dastuurka Koonfur galbeed  ayaa waxaa looga hadlaayey Cutubyo ka tirsan Dastuurka dalka Somaliya Cutubyadaasi oo kala ah Cutubka 5 iyo 6 aad Kuwaas oo ka hadleya Baahinta awooda Xukuumadda Jamhuuriyada fadaraalka Soomaaliya.

 

 

Shirka ayaa waxaa ka  qeyb galey qaar Kamid ah Shaqaalaha Wasaaradaha Kgs,Odayaasha dhaqanka Aqoonyahano Ardeyda Jaamacadaha Magaalada Baydhabo Iyo Ururada Bulshada Qeybahooda kala duwan.

 

Wasiirka Wasarada Dastuurka  Koonfur galbeed Aadan Xasan Maxamed Usaama oo furey Shirka ayaa waxaa uu Ka soo qeyb galiyaasha Shirka u sharaxey Cutubyada Dastuurka dalka oo u baahan in laga doodo.

 

Qaar kamid ah Ka soo Qeyb-galayaasha shirka oo aan Wax ka weydiiyey Shirka iyo waxyaabihii ay ka fahmeen ayaa igu jawaabey Sidan.

 

Wasaarada Dastuurka Koonfur galbeed ayaa waxaa ay Mudooyinkii uga dambeeyey wada dadaalo ku aadan sidii Loo xoojin lahaa fahamka ay ka qabaan Bulshada Koonfur Galbeed Dastuurka dalka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment