2475 Views

Wariye lagu xiray Gaalkacyo

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 25, 2018 – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Caasimadda gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Ammaanka maamulka Galmudug ay xabsiga dhigeen Wariye Axmed Khaliif Geedi oo ka mid ahaa Wariyeyaasha ka howlgalla Gaalkacyo.

Sidda ay Qaranimo Online u xaqiijiyeen Wariyeyaal ku sugan Gaalkacyo Axmed Khaliif Geedi hadda waxaa uu ka tirsanaa Tv-ga lagu Magacaabo RTN.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay wariyaha ku heystaan War uu dhawaan baahiyay oo ku saabsanaa Isbaarooyin la dhigtay inta u dhaxeysa Magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale degmada Galinsoor.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI                                                

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment