651 Views

shabakad isku xiran oo dilal ka geysta koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo oo gacanta lagu dhigay.

shabakad isku xiran oo dilal ka geysta koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo oo gacanta lagu dhigay.
____________________________________________________________________________

June 13 2021

Waxaa Bilooyinkii la soo dhaafay maamulada Puntland iyo Galmudug iska kaashanayeen amaanka galkacyo, waxaana gacanta lagu dhigay shabakad isku xiran oo dilal qorsheysan ka geysan jirtay koonfurta iyo waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa shaaciyay in la qabtay Ragan oo Dilal iyo Qaraxyo ka gaysan jiray Galmudug iyo Puntland.

Sanyare ayaa wariyeyaasha u sheegay in howl-galkan lagu qabtay saraakiil iyo dagaal yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayey gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ragga gacanta lagu dhigay ay ahaayeen shabakad isku xiran oo dilal qorsheysan ka geysta koonfurta iyo waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Waxa uuna sheegay in ay ku socoto baaritaan cadaaladana ay mari doonaan dhawaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post