762 Views

Al-Shabaab oo gaari kala degay Xildhibaan ka tirsan Hirshabeelle

Al-Shabaab oo gaari kala degay Xildhibaan ka tirsan Hirshabeelle
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 5  2020–Warar ay heshay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay gaari uu saarnaa kala degeen Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Xildhibaanka oo lagu Magacaabo Maxamed Maxamuud Siyaad ayaa sida la sheegay ka yimid dhinaca Magaalada Jowhar,isaga oo kusoo wajahnaa Magaalada Muqdisho, balse Gaariga lagala degay xilli uu marayay wadada xiriirisa Magaalada jowhar & degmada Balcad gaar ahaan duleedka Tuulada Gololeey.

Odayaal la socday Xildhibaanka oo kasoo raacay Magaalada Jowhar ayaa Warkaan u xaqiijiyay Radio Risaala, iyaga oo sheegay in iyaga ay ka badbaadeen,balse ay gaariga kala dageen Xildhibaanka oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn halka ay la aadeen.

Wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar & Balcad ayaa dhowr jeer waxaa ay Al-Shabaab ka fuliyeen weeraro lagu dilay Xildhibaano, Askar iyo mas’uuliyiin kale,iyaga oo sidoo kale gaari kala degay dad la Shaqeynayay Dowladda Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Maamulka Hir-Shabeelle weli kama hadlin Xildhibaanka ay Al-Shabaab gaariga kala dageen,hayeeshee Risaala ay xiriiro kala duwan la sameysay welina u suurtagelin.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post