702 Views

Qoys soo iibsaday ‘Eey’, balse dawoco isu badeley

Qoys soo iibsaday ‘Eey’, balse dawoco isu badeley
____________________________________________________________________________


Arbaco: November 10, 2021

 Qoys u dhashay dalka Peru ee Latin Amerika ayaa la sheegay in ay dukaan xayawaanka rabbaayadda lagu iibiyo oo ku yaala caasimadda dalkaasi ee Lima ay kasoo iibsadeen noole ay markii hore u haysteen in uu yahay Eey, balse waa ay qaldanaayeen.

Balse markii ay guriga keeneen ayaa maalmo kadib waxa ay heleen cabashooyin kala duwan oo dariska uga yimid, iyada oo noolahani uu bilaabay in uu weeraro xayawaanka kale ee dadka ay dhaqanayeen.

Sheeygan ay Eeyga maleeyeen ayay kusoo iibsadeen lacag dhan $13 doolar , balse markii dambe waxa ay ogaadeen in waxa ay soo iibsadeen ay ahaayeen dawaco oo uusan eeyba ahayn.

Waaxda duurjoogta ee dalkaasi ayaa markii dambe qabatid xayawaankii iska dhigayay ayga, kadib markii ay cabashadii aad u badatay.

Dawacada ayaa markii xaafadda la geeyay biloowday in ay eryato, oo ay ugaadhsato digaagaha iyo booloboolooyinka la dhaqdo, taas oo caro weyn ka dhalisay dariskii.

“Seddex bil ka hor haweenay dariska ah ayaa sheegtay in dawacada ay ka cuntay seddex doofaarkeeda ka mid ah, seddex maalmood ka horna waxaa ii tahay islaan da’ weyn oo ii sheegtay in iyadana ay xoolo ka laysay dawada” ayay tiri Maribel Sotelo oo la hadashay wakaaladda wararka ee Reuters.

Wakaaladda duurjoogta waxa ay sheegtay in inta badan dawacadani oo nooc gaar ah ay kaymaha Amazon kasoo qabtaan kooxo burcad ah, kadibna ay ku iibiyaan suuqyada Lima.

BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post