900 Views

Mareykanka oo duqeyn Cusub ka fuliyey Jubbada Dhexe

____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 29-2020—Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeyn cusub lala bartilmaameedsaday dhisme ay Al-Shabaab lahaayeen oo ku yaalla gudaha magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

 

Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in iyadoo iskaashi lala samaynayo dawladda Maraykanka duqayntaasi lagu burburiyey dhismahaasi.

 

 

 

Illaa hadda lama sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay weerarkaasi.

Waa duqayntii labaad ee toddobaadlan gudihiis Maraykanku ka gaysto nawaaxiga magaalada Jilib. Maalintii Insiintii ayaa duqayn ka dhacday agagaarka Jilib lagu dilay xubin ka tirsan ururka Al-Shabaab.

 

Dawladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inaan laga nasan doonin ilaa Al-Shabaab laga saaro gobolada ay kaga sugan yihiin dalka Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment