702 Views

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo dib ugu laabteen Magaalada Jowhar

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo dib ugu laabteen Magaalada Jowhar
____________________________________________________________________________

Axad: August 29, 2021

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay dib ugu laabteen Magaalada Jowhar, halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga ayaa waxaa Jowhar kusoo dhaweeyay Xubno ka tirsan labada Gole ee Hir-Shabeelle, Maamulka degmada Jowhar iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Caasimadda Hir-Shabeelle ee Magaalada Jowhar.

Madaxwynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho, isaga oo ka qeyb galay kulankii Golaha wadatashiga Qaran ee laga soo saaray habraaca doorashada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa todobaadkii hore qurshuhu ahaa in uu tago Magaalada Bedweyne ,hayeeshee uu ka baaqday kadib markii Ciidamo ka tirsan qeybta 27aad oo kasoo horjeedan safarkiisa ay la wareegeen Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Xerada Ciidamada ee lamagalaay ee Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Jowhar uu ka bilaabo kulamo wadatashi ah oo la xiriira soo Magacaabista Xubnaha musharixiinta Aqalka Sare si loo bilaabo doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare ku matalaya Maamulka Hir-Shabeelle.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post