1056 Views

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland oo ka hadlay xariga Wariye Tallman

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland oo ka hadlay xariga Wariye Tallman
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-19–2019 —Maxamuud Xasan Aw-Cismaan Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa ka hadlay xariga weriye Axmed Sheikh Maxamed Tallman oo Ciidanka Ammaanka Puntland ay Xabsiga dhigeen.

 

Ciidanka Puntland ayaa wariye Tallmaan u dhaadhiciyay xabsiga dhexe ee magaalada Garowe, labo maalin kahor markii ciidamada amnigu soo xireen.

 

 

 

Xeer ilaaliyaha oo maanta saxaafada kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay Axmed Tallmaan in loo haysto dambiyo uu ka galay laamaha ammaanka Puntland, isagoo ku eedeeyay inuu si cad ugu xad gudbay sharciga.

 

Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay inay soo gabgaboobay baaristii kiiska loo haysay Tallman, islamarkaana guddiga gacanta ku haya baaristaan kiiskaan ay codsadeen in lasoo xiro Tallman.

 

Waxa uu sheegay in Maalinta isniinta ah  maxkamada la horkeenidoono weriye Tallman, si loo dhegaysto dambiyada lagu soo eedeeyay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment