411 Views

Qaramada Midoobay oo ka digtay in dadka ku nool qeybo kamid ah Soomaaliya ay qarka u saaran yihiin macluul

Qaramada Midoobay oo  ka digtay in dadka ku nool qeybo kamid ah Soomaaliya ay qarka u saaran yihiin macluul
____________________________________________________________________________

Axad: SEPTEMBER 4, 2022

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in dadka ku nool qeybo kamid ah Soomaaliya ay qarka u saaran yihiin macluul.

Waxey intaa ku dartey hey’adda in loo baahan yahay gurmad degdeg ah, inta aanay xaaladdu ka sii darin. Meelaha ugu daran waxaa ka mid ah deegaannada Koofur Galbeed.

Dad kasoo barakacay deegaanno ka tirsan gobolka Bakool, ayaa maalmihii la soo dhaafay waxey gaarayeen magaalada Xudur ee gobolkaasi, halkaasi oo ay dhowaan dagaallo ka dhaceen.

Qaar kamid ah dadkaasi oo BBCda la hadlay, ayaa waxay sheegeen inay dhib badan a soo mareen, sidii ay Xudur ku soo gaareen.

Dadkaas waxaa ka mid ah Maryan Cumar Maxamed. Mar ay la hadashey BBC-da, ayaa waxay sheegtay in dhowr iyo toban maalmood ay safar kusoo jirtay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post