810 Views

Safiirkii hore ee Mareykanka Schwartz: “Farmaajo wuxuu Soomaliya u jiheeyay wado xun, mana tanaasulom waan aqaanaa

Safiirkii hore ee Mareykanka Schwartz: “Farmaajo wuxuu Soomaliya u jiheeyay wado xun, mana tanaasulom waan aqaanaa
____________________________________________________________________________

April 19-2021

Safiirkii hore ee Mareykanka ee u joogay Soomaaliya sanadihii 2016-2017 Mr. Stephen Schwartz ayaa si kulul uga hadlay xaaladda Soomaaliya ee xilligan, iyo hab dhqaanka madaxweynaha xilku ka dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Safiirkii hore oo hadda howlgab ah ayaa Farmaajo ku eedeeyay inuusan dooneynin u tanaasulka danta Qaranka, xilligana aanu heysan wax sharciyad ah dhinac kasta, isagoo dhaawacay kalsoonidii ahayd in xukunka si nabad ah loogu kala wareego, sidii ay sameeyeen labadii Maaxweyne ee ka horeysay o lahaa biseyl siyaasadeed.

Xaaladda Soomaaliya ayuu ku tilmaamay inay mareyso meel halis ah, kadib muddo kororsiga Maxamed Farmaajo sameystay, xaaladuna adag tahay, wuxuuna si kulul u weerarray Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin oo uu sheegay in lasoo marsiiyo lacagta qarsoodiga ah ee ka timaada dalka Qatar, kana awood badan yahay taliye, balse uu saameyn weyn ku leeyahay Soomaaliya.

“Hadda Farmaajo wuxuu dhaawacay dowladnimadii, wuxuuna Soomaaliya u jiheeyay wado xun.. wanaa in laga qaadaa tallaabo adag oo hadda laga gudbay cunaqabateyn la saaro madaxda..” ayuu yiri Safiirkii hore ee Mareykanka oo wareysi siiyey VOA-da.

Wuxuu soo jeediyey in Mareykanka aanay safiir u dirin dowlad aan sharci ahayn, isla markaana la joojiyo taageerada la siiyo dowladda Soomaliya, iyadoo la caawinayo dadka Soomaaliyeed iyo arrimo sida Deyn cafinta oo la hakiyo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post