906 Views

Taliban sheegtay inay la wareegtay xabsi ku yaalla gobolka waqooyiga

Taliban   sheegtay inay la wareegtay xabsi ku yaalla gobolka waqooyiga
____________________________________________________________________________

Sabti: August 7, 2021

Kooxda Taliban ee ka dagaallanta Afghanistan ayaa sheegtay inay la wareegtay xabsi ku yaalla gobolka waqooyiga dhaca ee Jawzjan islamarkaana ay sii daayeen boqolaal maxaabiis ah.

Muuqaal lasoo geliyay baraha bulshada ayaa muujinayay maxaabiista oo ka baxsanaya xabsiga magaalada Shebhergan.

Waa gobolka ay ku badan yihiin taageerayaasha madaxweyne ku xigeenkii hore ee Afghanistan Abdul Rashid Dostam halkaas oo taageerayaashiisa ay garwadeen ka ahaayeen olole ka dhan ah kooxda Taliban.

Taliban ayaa dhawaan la wareegtay magaaladii ugu horreysay tan iyo markii ay bilaabeen dagaallo hor leh oo ka dhan ciidamada dowladda.

Maalmihii labada dhinac waxay sheeganayeen in guulo ay ka gaareen dagaallada.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post