192 Views

Warbixinta Toddobaadlaha ee JFS ay ka soo saartay dhacdooyinkii dhacay toddobaadkan

Warbixinta Toddobaadlaha ee JFS ay ka soo saartay dhacdooyinkii dhacay toddobaadkan
____________________________________________________________________________

Muqdisho – Dowladda Soomaaliya ayaa soo saarta warbixin toddobaadle ah oo ay uga hadasho dhacdooyinkii dhacay muddada toddobaadka ah ee la soo dhaafay ,haddab halkaan hoos ka akhriso warbixinta oo toddobaadkaan aad u xiiso badan,waxaana lagu bilaabay sida tan.

Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

1- Kumanaan shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa isugu soo baxay banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo dowladda Ethiopia oo dhowaan heshiis sharci darro ah la gashey maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira dadaaladda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ku muujuneyso diidmadeeda qayaxan ee gardarada Ethiopia, ayaa kulamo la qaatey Wakiilka Midowga Yurub ee Geeska Afrika iyo Danjiraha China u fadhiya Soomaaliya.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo martiqaad ka helay dhiggiisa dalka Masar Abdel Fatah El-Sisi.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Asmara wadahadalo qoto dheer oo la xiriira xaaladda gobolka kula yeeshay Madaxweynaha Eritrea, Isais Afwerki.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharci lagu burinayo heshiiskii sharci darrada ahaa ee Ethiopia la gashey maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo khadka taleefoonka ku wada hadlay ayaa ka hadlay arrinta ku saabsan xadgudubka ay Itoobiya ku heyso Qaranimada Soomaaliya, iyagoo si gaar ah u sheegay khatarta ka dhalan karta xasiloonida caalamka.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaas oo uu kula hadley taliyeyaasha, saraakiisha iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

8- Mareykanka, Britain, Jamhuuriyadda Djibouti, Sudan, Boqortooyada Sacuudi Caraabiya, Eritrea iyo China oo noqday dalalkii ugu dambeeyay ee la saftay Soomaaliya, xusayna muhimadda dhowrista madaxbanaanida, qaranimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, kadib tallaabadii gardarrada ahayd ee Ethiopia la beegsatey Soomaaliya.
9- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale ku celiyay in marnaba uusan dhul Soomaaliyeed ka gor-gortameynin, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in qof kasta ay waajib ku tahay ilaalinta dhulka , sharafta iyo karaamada dalka.

10- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed sida dowladdooda ay ugu garab istaageen difaacida dhulka Jamhuuriyada Soomaaliya.

11- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Raceo Tayyio Erdogan ayaa uga mahadceliyey mowqifka garab istaagga ah ee shacabka iyo dowladdu Turkigu ay ka muujiyeen faro-gelinta iyo xadgudubka Itoobiya ay ku sameysay madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

12- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweyne Ku-Xigeenka Midoowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga, Mudane Josep Borrell, isagoo uga mahadceliyey mowqifka adag ee ay ku garab istaageen midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

13- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo u diray Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo mar kale loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland 5-ta sano ee soo socota.

14- Ra’iisul Wasaarae Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Muwalad oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

15- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsiyeeyay geerida marxuum Gaashaanle Cabdi Maxamed Shiikh Xasan (Suulnuug) oo ahaa Abbaandulihii Guutada 18-aad ee GorGor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku shahiiday dagaalka xaqa ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta.

16- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo xarigga ka jaray Machadka Dacwadda iyo Daraasaadka Islaamka, ayaa sheegay machadkani looga fadhiyo in uu soo saaro aqoonyahan diimeed oo bulshada ku haga jidka saxda ah ee ay shareecadu ina fareyso.

17- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in damaca iyo faragelinta Ethiopia ee arrimaha Soomaaliya ay dhaliyeen dareen cusub oo la xiriira wadajirka umadda Soomaaliyeed.

18- Urur Goboleedka IGAD oo iclaamiyey shir madaxeed aan caadi ahayn oo ka dhacaya dalka Uganda, oo looga hadlayo faragelinta Ethiopia ee qaranimada Soomaaliya.

19- Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Xuseen Ibraahim Daaha ayaa sheegay in si cad ay uga soo horjeedaan xadgudubka dowladda Itoobiya ee ka dhanka ah madaxbannaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

20- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalbatay shir deg deg ah ay isugu yimaadaan Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta si looga wadahadlo xad gudubka Itoobiya ee madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

21- Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ka qeyb galay shir aan caadi aheyn kaas oo ay iskugu yimaadeen safiiradda wadamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta u fadhiya Nairobi.

22- Shacabka magaalada Boorame ee gobolka Awdal ee Waqooyiga Soomaaliya ayaa dhigay banaanbax ballaaran oo ay kaga soo horjeedaan damaca Ethiopia ee faragelinta madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

23- Kumannaan shacab ah oo ka careysan faragelinta Ethiopia ayaa isugu soo baxay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

24- Odayaasha Dhaqanka degmada Saylac ee gobolka Awdal ayaa si adag uga horyimid Is Afgaradka sharci darrada ah ee Ethiopia ay la gashey Somaliland.

25- Shacabka Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa isugu soo baxay banaanbax ay kaga so horjeedaan faragelinta Ethiopia ee qaranimada Soomaaliya.

26- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay tallaabooyinka gurracan ee maamulka Somaliland isugu dayayo in uu ku af qabto warbaahinta iyo dadweynaha gobollada waqooyi ee dalka ee ka dhiidhinaya faragelinta Ethiopia ee qaranimada Soomaaliya.

27- Qaar ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Kenya ayaa cambaareeyay xadgudubka Ethiopia kula kacday qaranimada Soomaaliya.

28- Wasiiradda iyo Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda Gobolka Awdal ayaa si cad uga soo horjeestay faragelinta Ethiopia ee qaranimada Soomaaliya.

29- Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa kulan la yeshay Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof. Xasan Cusmaan Gacal kaas oo ku qotomay xoojinta nidaamka caafimaadka guud ee dalka iyo horumarinta cilmi baarista caafimaadka.

30- Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama oo u hambalyeeyay shaqaalaha iyo maamulka Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA oo 60-sano jirsatay.

31- Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa duqeyn ka dhacday deegaanka Jeexjeex ee Koofurta gobolka Mudug ku dilay 26 dhagar qabe oo Khawaarijta ka tirsan ,oo uu ku jiro horjoogihii kooxda watay.

32- Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ku soo qabtey shabakad ka tirsan Khawaarijta Al Shabab oo doonayay inay u tallaabaan Gobolka Galgaduud.

33- Wasiirkii Gaashaandhigga ee maamulka Somaliland Cabdiqani Caateeye ayaa iska casilay xilkiisa,isagoo ka soo horjeeda heshiiskii sharcidarrada ahaa ee dhexmarey Ethiopia iyo maamulka Somaliland.

.

Xigasho: SONNA

.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post