363 Views

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo qaylo-dhaan u direy hay’adaha caalamka

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo qaylo-dhaan u direy hay’adaha caalamka
____________________________________________________________________________

Talaado: July 25, 2022

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si toos ah codsi ugu direy hay’adaha gargaarka ee caalamka iyo weliba kuwa maxaliga ah. Dalabka Madaxweynaha ayaa ku saabsan sidii xaaladda abaarta wax looga qaban lahaa, waxaana qoraal dheer oo laba bog ah oo soo gaarey warqabadka Horseed Media lagu sheegay, sida xaaladdu ay u tahay mid aad u daran, loona baahan yahay in gargaar degdeg ah oo toos ah lala soo gaaro Puntland.

Xaaladda abaarta Puntland iyo guud ahaan meelo badan oo kamid ah Soomaaliya ayaa maraysa meeshii ugu xumeyd abid, waxaana khatar hadda ku jira in dad badan ku cayroobaan kuwo kalena ay naftooda ku waayan, harraadka iyo cunno yarida jirta marka lagu darro maciishada, shidaalka iyo baahida kale ee nololeed ee sare u kacdey sida lagu xusey qoraalka Madaxweynaha ee tooska ula hadley hay’adaha deeq bixiyaasha caalamka.

Dalabka Madaxweynuhu direy ayaa lagu xusey in loo baahan yahay si degdeg ah loo sameeyo, biyo dhaamin meelaha abaaruhu ka jiraan. Sidoo kale waxaa Madaxweynuhu ka dlabadey caalamka in lala soo gaaro cunto, lacag caddaan ah, hu’, daawo, calafka xoolaha iyo nafaqada carruurta.

Hoos ka akhri qaylo-dhaanta Madaxweynaha Puntland ee hay’adaha caalamka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post