1044 Views

Hay’adaha gargaarka oo ka digay in deeqdii UK bixin jirtay saameen ku yeelato bulshada

Hay’adaha gargaarka oo ka digay in deeqdii UK bixin jirtay saameen  ku yeelato  bulshada
____________________________________________________________________________

June 6 2021

Hay’adaha gargaarka ayaa ka digay in deeqdii UK bixin jirtay ee ay jaratay ay saameyn ku yeelaneyso bulshada saboolka ah ee adduunka.

Waxay sheegeen in qoysasku ay gaajoonayaan isla markaana aysan gabdhuhu iskuul aadin, sababo la xiriira deeqda la jaray.

Hay’adaha sida Oxfam iyo ActionAid UK ayaa sheegay in arrintaas ay abuurtay dhibaato saameyn ku yeelan karta sumcadda UK.

Warqad ay u qoreen Boris Johnson, ayay ku sheegeen inaysan jirin baahi dhaqaale oo sanadkii loo jaro deeqda lacag gaareysa £4bn.

Dowladda ayaa sheegtay in sanadkan ay weli deeq ahaan u khaqarash gareyneyso in ka badan £10bn.

Xoghayaha Caafimaadka UK Matt Hancock ayaa BBC u sheegay in deeqdaas si ku meel gaar ah loo jaray sababo la xiriira xanuunka safmarka ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post