735 Views

Ismaaciil Cumar Geelle oo saakay lagu wado markii 5 loo Caleemo saaro Madaxweynaha Jabuuti.

Ismaaciil Cumar Geelle oo saakay lagu wado markii 5 loo Caleemo saaro  Madaxweynaha Jabuuti.
____________________________________________________________________________

May 15 2021

Madaxeynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta oo Sabti ah 15-ka May 2021 lagu caleemo-saarayaa Caasimadda Dalkaas sida uu shaaciyay Guddiga Madaxtooyada u xilsaartay qaban-qaabada munaasabadda.

Dhanka Soomaaliya Waxaa ka qaybgalaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya iyo wafdi Wasiiro ah oo Jimcihii Muqdisho ka raacay maadaama uu ka baaqday Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Doorashadii ka dhacday Jabuuti 10-kii April 2021 waxaa markii shanaad oo xiriir ah ku guuleystay Ismaaciil Cumar Geelle oo helay codad dhan in ka badan 98% waxa ay taasi u xoojisay in uu xafiiska sii joogo.

Guddiga Doorashada Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegay in tirada codeysay in ay dhan tahay 167,535-ruux, markii la tiriyay uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle helay boqolley ahaan 98.58% halka Musharax Sakariye Ismaaciil Faarax uu helay 1.42%.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Madaxweynaha Jabuuti noqday 1999-kii, waxa uu dalkiisa u horseeday waxqabad muuqda, isbadal Ganacsi, is dhexgalka Dalalka kala duwan ee Caalamka & martigelinta shirar kala duwan oo intooda badan uu u qabtay Soomaalida.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post