1917 Views

Taliyaha xoogga oo Mareykanka ka dalbaday inay kordhiyaan weerarada Al Shabaab

Taliyaha xoogga oo Mareykanka ka dalbaday inay kordhiyaan weerarada Al Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 07, 2018 – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socotay dawladda Mareykanka, waxaana ay ka wada hadleen dib u dhiska ciidanka iyo arrimo kale.

Si gaar ah ayaa labada dhinac waxay uga wada hadleen siddii dawladda Mareykanka ay ciidanka Xoogga dalka uga taageeri laheyd xoreynta dalka,  tababarka ciidanka , is dhaafsiga qibadaha dhanka ciidanka iyo qodobo kale.

Taliyaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa waxa uu dawladda Mareykanka ka dalbaday inay kordhiyaan taageerida, tababarada ay siinayaan ciidanka xoogga dalka iyo weerarada ay Al Shabaab la beegsanayaan.

“Madaxweyne Farmaajo waxa uu dalbaday in Al Shabaab si deg deg ah looga saaro dalka, taas bedelkeedana waxa ay keentay in dowladda ay shaaciso inay qaadi doonto dagaal xoogan, waxaana dagaalkaasi dalka looga saarayo cadowga leynaya shacabka”. Ayuu yiri Taliyaha xoogga.

Dawladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha sida gaarka ah Soomaaliya uga caawiya dhanka tababarada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

taliyaha-xoogga-dalka-4

taliyaha-xoogga-dalka-2 taliyaha-xoogga-dalka-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment