480 Views

Guddiga doorashooyinka oo maalinkii Todobaad waddo Shihaado Siinta Xildhibaanada

Guddiga doorashooyinka oo maalinkii Todobaad waddo Shihaado Siinta Xildhibaanada
____________________________________________________________________________


Sabti: April 9, 2022

Guddiga hirgalinta Doorashooyinka, ayaa maalintii Toddobaad wado Shahaado siinta Xildhibaanada la soo doortay, waxaa maanta Shahaadada rasmiga ah ee Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, qaatay tiro kamid ah Xildhibaanada dhawaan la soo doortay.

Xubnaha Guddiga ayaa sheegay in Shahadada ay gudoonsiyeen Xildhibaanada kala ah, Farxaan Cali Maxamuud AS#10,  Cabdirisaaq Maxamed Cosmaan AS#03 iyo  Sahra Cabdullaahi Cigaal (Bundubte) GSH#094

Guddiga waxuu  sheegay intii ay socotay shaqada Shahaadada gudoonsiinta Xildhibaanada, in ku dhawaad 200 oo Xildhibaan ay qaateen Shihaadada rasmiga ah ee Xildhibaannimo, waxayna intaas ku dareen in ay sii wadi doonaan shaqada  tan iyo inta laga gaarayo 13 bishaan xilligaas oo ay ku eg tahay Shihaado Siinta Xildhibaanada.

\Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post