966 Views

Hay’adaha UNOCHA iyo UNHCR oo Howlo ka bilaabay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo

Hay’adaha UNOCHA iyo UNHCR oo Howlo ka bilaabay  Koonfurta Magaalada Gaalkacyo
____________________________________________________________________________


Axad: January 16, 2022

Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada Degmada Gaalkacyo Daahir Maxamuud Cilmi Oo Ay Weheliyaan Xubno Ka Socday Hay’adaha UN OCHA, UNHCR ayaa maantay kormeer ku tagay qaar ka mid ah Kaamamka Barakacayasha ee ku yaalo duleedka Magaalada Gaalkacyo.

Xubnahaan ayaa kormeeray deegaanka Xaar Xaar iyo goobo cusub oo ay deegaansaden qoysaska ay saameeyen Abaaraha ka jira deegaanada Gobolka Mudug .

Horjoogayasha kaamaamka la kormeeray ayaa u sheegay Agaasimaha Arrimaha Bulshada Dowlada Hoose iyo xubnaha la socday in ay wajahayaan xaalado adag oo ay ku nool yihiin qoysaska Barakacayasha ah ee Degmada Gaalkacyo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post