744 Views

Xildhibaannadii ugu badnaa oo ku sugan Kulanka Golaha & Jawaari oo kasoo muuqday

Xildhibaannadii ugu badnaa oo ku sugan Kulanka Golaha & Jawaari oo kasoo muuqday
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 23 2020
—Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ku sugan Hoolka Xarunta Villa Hargeysa, iyadoo loo balansan yahay kalsooni siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Soomalaiya Maxamed Xuseen Rooble.

Wararka aan ka heleyno Villa Hargeysa ayaa waxaa ay sheegayaan in kooramka uu dhan yahay, hayeeshee weli uusan kulanka furmin maadaama madaxda ay ka maqan yihiin hoolka.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ayaa la sugayaa, iyadoo Howlwadeenada labada Xafiis sida Ilaalada iyo Kooxda Protocol-ka qaabilsan ay ka soo hormareen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbad ka jeedin doona Kulanka golaha, isaga oo Xildhibaananda weeydiisan doona inay ansixiyaan Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee uu Magacaabay.

#Golaha shacabka.

Agendaha Kulanka golaha shacabka,1. Hadal Jeedinta Madaxweynaha JFS2. U Codeynta Kalsooni Siinta R/Wasaaraha Magacaaban.

Posted by Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed on Wednesday, September 23, 2020

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post