894 Views

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka
____________________________________________________________________________

Sabti: June 26 2021

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka wuxuu ku sheegay inuu oggolaaday codsi uga yimid hoggaamiyeyaasha diimaha, kaas oo ay ku codsanayaan in la dhigo Alla bari looga duceysanayo xanuunka safmarka ah ee COVID-19.

“Waxaan idinkugu baaqayaa dhammaantiin inaad u duceysaan khubarradeennacaafimaadka iyo qoysaska kala duwan ee uu saameeyay.” Ayuu yiri Museveni.

Xaaladda coronavirus ee Uganda ayaa la sheegay inay ka sii dareysay muddooyinkii ugu dambeeyay.

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa mar kale soo rogay 42 maalmood oo bandow ah, kaddib markii ay kor u kaceen kiisas xanuunka ee dalkaas.

Dalal badan oo Afrika ah oo ay Uganda ka mid tahay ayaa waxaa kordhay kiisaska coronavirus.Mowjadda saddexaad ee fayraska ayaa u muuqata inay saameyneyso da’yarta ay dad’oodu u dhaxayso 20 iyo 39.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post