1065 Views

SAWIRO:-Ciidamada Dowladda oo la wareegay degmada Guriceel

SAWIRO:-Ciidamada Dowladda oo la wareegay degmada Guriceel
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 03, 2019–Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan guutada qeybta 21aad ayaa saakay Waaberigii hore hore waxaa ay la wareegeen degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud,halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamo taabacsan Ahlusunna Wal-Jamaaca.

 

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal kooban oo halkaasi ka dhacay ay isaga baxeen Ciidamadii Ahlusunna,isla markaana dhamaan Xarumihii Maamulka ay la wareegeen Ciidamada Millateriga Soomaaliya.

 

 

 

Sidoo kale Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud waxaa ku sugan Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye,kaas oo xalay kulamo kala duwan ka waday Gudaha Magaalada Guriceel.

 

Xaalada Magaalada Guriceel ayaa saakay ah mid degan,waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in Ciidamadii Ahlusunna ay ku sugan yihiin  banaanka Magalada Hayeeshee ay cabsi dareemayaan.

 

Guddoomiyaha degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee Ahlusunna ayaa sheegay in xalay Gaari uu lahaa lagu rasaaseeyey Bartmaha Magaalada xilli halkaasi uu dagaal kooban ku dhex-marayay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlusunna.

 

Si kastaba la wareegitaanka Ciidamada Dowladda ee degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli shalay Ciidamada Dowladda ay la wareegeen degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan oo ay ku sugnaayeen Ciidamo taabacsan Ahlusunna Wal-Jamaaca.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment