738 Views

Ms. Gladys Kagendo “ Waxaan u maleynayaa in dhacdooyinka nolosheyda guurka ay cashar weyn ii noqdeen

Ms. Gladys Kagendo  “ Waxaan u maleynayaa in dhacdooyinka nolosheyda guurka ay cashar weyn ii noqdeen
____________________________________________________________________________

Sabti: July 17,  2021

Ms. Gladys Kagendo, waa hooyo hal cunug haysata, oo bishii Juun ee sannadkan 30 jir noqotay.

Si kastaba ha noqotee, waxay go’aansatay inay nafteeda ku canaanato inay gacan ka geysatay burburka sababay in seygeeda ay kala tagaan.

“Waxaan u maleynayaa in dhacdooyinka nolosheyda guurka ay cashar weyn ii noqdeen. Ma doonayo inaan cid eedeeyo sababtoo ah waxaan aaminsanahay in qof walba uu dambi ka galay qofka kale. Eedeynta midba midka kale uu eedeynayo ayaa dhibaatada keenta,” ayay tiri Gladys.

Noloshii guurka ee gaabnayd

 

Haweeneyda ayaa guursatay bishii Luulyo 2017, waxaa loo dhigay xaflad ballaaran oo toorto loogu jaray taas oo ka dhacday ismaamulka Embu ee bartamaha Kenya.

Gladys ayaa sheegtay inay xafladeedii arooska ay ku baxday in ka badan $ 5,000 si ay ugu dhigaan munaasabad guuleysata taas oo soo jiidatay dad badan oo deegaanka ah.

Waxaa la yaab leh, iyadu ma ay ogayn in ilmaheeda uu caloosha ku jiro iyo in dhowaan guurkeeda uu burburi doona.

Waxaa xusid mudan in markii ay guursanaysay ay lahayd uur sideed bilood ah laakiin cidna ma ogeyn marka laga reebo dadka ku dhow ee qoyskeeda ah.

“Ma jiro qof aroos galaya oo qorsheynaya inuu baxo maalinta ku xigta, gaar ahaan dhanka haweenka, qaar badan ayaa arooka gala iyagooa farxasan,” ayay tiri Grace.

Kahor xafladda guurka, Gladys waxay shukaansaneysay ninkeedii hore muddo shan sannadood ah, ka dib markii ay la kulantay 2013-kii xilli ay isu diyaarinaysay inay jaamacad ku biirto.

Inkasta oo saaxiibkeed daciif ahaa, Ms. Gladys way dhiirrigelisay oo waxay sii wadday inay la noolaato iyada oo aan loo eegin tijaabooyinka ku kallifay inuu ka tago haasaawaha.

Markii maalintii arooska la gaaray waxaa jiray damaashaad ballaaran, dad badan ayaa isugu soo baxay qof kasta yimaada ama arko goobta xafladda ayaa shaki la’aan arkayay sharafka arooska iyo quruxda xafladda arooska.

Inkasta oo waxaas o dhan ay jireen hadana Mrs. Gladys waxay sheegtay in aysan ahayn aroosad ku riyaaqday meherkeeda iyada oo ninka arooska ah uu ka soo daahay goobta xafladda mana muujin wax walaac ah.

Intaas waxaa sii dheer, caruusaddu waxay ku andacooneysaa in intii ay dhaaranayeen, ay dareentay in qalbiga ninkeeda uusan joogin.

“Aad ayaan ula yaabay markaan ku arkay ninkeyga taleefankiisa gacanta intii aan ku sugneyn xaflada arooskeena, sidii caadada inoo ahayd, caruusku ma fiirinayo ubaxiisa oo ah gabadha aroosada ah, laakiin xafladii arooskeena waa ay ka duwanayd si kagacayl leh ayaan u eegayay balse waxa uu u muuqday mid maqan oo aanu niyadiisa joogin”, Gladys ayaa sidaas tiri.

Nolol adag xafladdii arooska ka dib

Laakiin waxay aamminsanayd inay wax is beddelayaan, taas oo nafteeda iyo nafta qoyskeeduba dhiiragelisay.

Si kastaba ha noqotee, markii ay xogaa joogtay, waxay dareentay sida inay nafteeda ku qasbeyso inay ku noolaato nolosha guur noocaas ah.

Hal bil kadib markii ay u mushay, waxay aaday isbitaalka laakiin ninkeedii hore ma uusan helin waqti uu ugu nasteexeyo isbitaalka.

Maalintii ay Gladys umulaysay, seeygeeyda laguma arkin isbitaalka, dhacdadaas oo walaasheed ka xumaatay.

Gabadha walaasheed ah waxay sheegaysaa in dumaashigeed markuu yimid isbitaalka, inay dhameystirtay dhamaan qorshooyinkii looga saari lahaa isbitaalka, sidaa darteed isagu ma uusan gaadan wax masuuliyad ah.

Balse maxay Gladys uga baxday guurkaas?

 

Gladys waxay sheegtey in dumar ahaan ay go’aansatey inuusan burburin qoyskeeda, ayna diyaar u ahayd iney u dagaalanto oo ay ku kalsoonayd inay wax is badalayaan.

Shan bilood guurkeedii kadib, ninkeeda ayaa boorsooyinkiisa xirxirtey wuuna baxay, wuxuuna dhaqaaqaasi ahaa dhamaadka qoyskii ay yagleeleen.

Gladys waxay sheegtay inay nafteeda ay ku eedeynayso waxkastoo ku dhacay guurkeeda, iyada oo aan ilaawin daciifnimadeedii ahayd inay markasta carooto.

Si kastaba ha noqotee, waxay sheegtay in caradeeda ay ka dhalatay ninkeeda oo aan awoodin inuu qanciyo rabitaankeeda dhanka galmada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post