759 Views

Maxay kawada hadleen Qoor-Qoor, Guudlaawe & Wasiirada Federaalka?

Maxay kawada hadleen Qoor-Qoor, Guudlaawe & Wasiirada Federaalka?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 16, 2021—Madaxweynayaasha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor & Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Wasiirada, ku xigeennada iyo Wasiiru Dowlayaasha XFS ee kasoo jeeda labadaan Dowlad Goboleed.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa in xog-wareysi ay ka yeeshaan arrimaha Doorashada, metalaadda heer federaal & heer Dowlad Goboleed, Amniga iyo muranka ka taagan Doorashada waqtigii loo qorsheeyay dhaaftay ee Soomaaliya.

Madaxda DG Hir-Shabeelle & Galmudug waxaa saaran culeys dhanka deegaannadooda ah iyo go’aanka ay ku gaareen in ay dalka ka dhacdo Doorasho hal dhinac ah iyaga oo la safray Xukuumadda Federaalka kuna taageeray fulinta tallaabadaas.

Haddaba, Maxaa culeys ah oo saaran Qoor-Qoor & Guudlaawe?

Culeyska ugu badan ee saaran Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye waa sugidda ammaanka, kadib markii muddada uu xafiiska joogo uu isbadal ku yimid xasiloonida Gobollada Galgaduud iyo qayb kamid ah Mudug oo maamul ahaan u ka arrimiyo.

Dilalka la xiriira aanooyinka, shaqo yarida Baarlamaanka oo la sheegay in loo joojiyay fadhigooda cabsi laga qabo in Madaxweynaha ay Mooshin ka gudbiyaan & duruufo kale oo Galmudug ka wacneed kahor Qoor-Qoor balse taagan maanta.

Dhanka Cali Guudlaawe waxaa heysta in ay jiraan shaqsiyaad diidan in uu tago Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana dhowr jeer laga baajiyay safar uu ku tegi lahaa Magaaladaas.

11-kii November 2020 oo la doortay Cali waxaa Maanta laga joogaa 66-Cishe, ilaa haatan lama caleemo saarin, mana soo magacaabin Golaha Wasiirada, waxaana ku simayaal kusii shaqeynaya Wasiirada uu magacaaabay Maxamed Cabdi Waare Madaxweynihii labaad ee Hir-Shabeelle.

Haddaba, Kulamada ay wadaan Axmed Qoor-Qoor & Cali Guudlaawe maka fududeyn karaan culeyska siyaasadeed ee saaran?

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post