1185 Views

Puntland Oo Joojisay Kulan Madaxweyne Farmaajo Uu Ku Qaban Lahaa Garoowe

Puntland Oo Joojisay Kulan Madaxweyne Farmaajo Uu Ku Qaban Lahaa Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 07, 2019 –Wararka shabakada Qaranimo online ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaasi kulan uu ku qaban lahaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo laga joojiyay.

Kulankaas ayaa waxaa la sheegay in ay gabi ahaanba joojisay Puntland,kaasi oo ay soo qaban qaabisay Xarunta Cilmi-baarista ee Center For Policy Alternatives.

 

Sidoo kale warar aan helnay ayaa sheegaya in kulanka uu dhexmari lahaa Bulshada Rayidka ee kunool Magaalada Garoowe iyo Madaxweyne Farmaajo,isla markaana ay uga hadli lahaayeen kulankaasi hannaanka doorasho ee dalku wajahayo iyo Doorka Bulshada rayidka ah iyo arrimo kale.

 

Sababta ay Puntland u joojisay kulanka Madaxweynaha uu ku qaban lahaa Garoowe ayna soo qaban qaabisay Xarunta cilmi-baarista ee Center For Policy Alternatives ee Xarun ku leh halkaasi ayaa lagu sheegay inay tahay in Puntland ay diiday in kulamo ay yeeshaan Bulshada rayidka qeybaheeda kala duwan ee Garoowe iyo Madaxda dowladda Federaalka ilaa xal laga gaaro Khilaafka lababa dhinac.

 

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa waxaa ku sugan Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyadda dalka,isla markaana halkaasi uu uga socdo  Shir wadatashi ah oo maalintii 3-aad galayo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment