678 Views

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo sheegay in wada hadalka ay la yeesheen Xukuumadda uu ahaa mid miro dhal ah

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo sheegay in wada hadalka ay la yeesheen Xukuumadda uu ahaa mid miro dhal ah
____________________________________________________________________________

 February  26, /2/ 2021

 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa sheegay in wada hadalka ay la yeesheen Xukuumadda uu ahaa mid muhiim ah, oo  kusoo aaday waqtigii loo baahnaa, waxaana intaa ku daray in uu jiro isu soo dhawaasho labada dhinac ah oo ka dhexeeya Dowladda dhexe iyo Midowga musharixiinta, taasi oo gogol xaar u ah in dalka doorasho wada oggol lagu yahay ay dalka ka dhacdo.

Shariif Sheikh Axmed ayaa intaa ku daray in dhammaan qodabadii ay ka wada hadleen ay isku af-garteen, ayna wixii hadda ka dambeeya ay si toos ah u guda gali doonaan sidii loo fulin lahaa heshiiska ay wada gaareen  ee ay kasoo saareen war murtiyeedka.

Shirkii ay yeesheen Midowga Musharixiinta iyo Xukuumadda Federaalka ayaa waxaa laga soo saaray Qodobbo dhowr ah, kuwaasi oo ay isku raaceen Mas’uuliyiintii tan iyo Galabta ilaa caawa ku shirsanaa Hoteel Decale, kaasi oo ay ka qayb ahaayen qaar ka mid ah Musharixiinta mucaaradka, RW Rooble iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hir-Shabeelle, waxaana kasoo abxay war-murtiyeed ay si wada jir ah usoo saareen labada dhinac.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post