2490 Views

15 qof oo lagu la’yahay gudaha dabaq ku soo dumay Magalada Nairobi Ee Dalka Kenya

15 qof oo lagu la’yahay gudaha dabaq ku soo dumay Magalada Nairobi Ee Dalka Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 13, 2017—Waxaa lagu soo waramayaa in la la’yahay 15 qof ka dib markii uu soo dumay dabaq ka kooban todobbo biyaano oo ku yaal duleedka bari ee caasimada Kenya ee Nairobi.

Hay’adda bisha cas ee Kenya ayaa sheegtay kooxda gurmadka deg dega ah in ay gaareen goobta oo ah Kware Pipeline Embakasi.

Wargeyska The Star ayaa sheegaaya in boqolaal qof laga daad gureeyay dhismahaan inta uusan burburin.

Goob joogayaal ayaa wargeyska u sheegay in darbiyada dhismaha uu ka muuqday dil dilaac.

Isu duwaha dadaalada gurmadka Pius Masai ayaa sheegay in dadka la xisaabiyay ay gaarayaan 100 qof, isagoona sheegay in qaar ka mid ah dadkaasi ay wali ku xanibay yihiin gudaha dhismaha.

“Waxaa wali socda dadaalada samarbixinta” sidaasi waxa uu ku yiri war qoraal ah isagoona dadka ka codsay in ay ka caawiyaan howshaan.

Hay’adda musiibooyinka qaranka ayaa sheegtay in dadkii deganaa dhismaasi lagu amray in ay isaga baxaan taasi ayaana ka dhigtay in 121 qof ay noqdaan kuwo bad qabo.

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment