1806 Views

Xildhibaano sheegay inay xilka ka qaadeen Madaxweyne ku xigeenka Galmudug

Xildhibaano sheegay inay xilka ka qaadeen Madaxweyne ku xigeenka Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 18, 2018 —Kulan maanta magaalada Dhuusamareeb ay ku yeesheen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa waxa ay kaga doodeen mooshinka ka yaalla Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug.

Xildhibaano gaaraya 97 ayaa maalin kahor waxa ay mooshin ka dhan ah u gudbiyeen ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka  Galmudug oo xildhibaano ku shiray maalmo kahor Cadaado ay sheegeen inay isagaba xilka ka qaadeen.

Xildhibaanada Galmudug ayaa Maxamed Xaashi Cabdi Madaxweyne ku xigeenka Galmudug waxa ay ku eedeeyeen inuu meel kaga dhacay dastuurka Galmudug, ku tumashada xeer hoosaadka iyo inuu gabay waajibaadkiisa shaqo.

Xareed Cali Xareed oo kulanka shir guddoominayay ayaa sheegay in kulanka ay soo xaadireen ilaa 140 mudane ayna u codeeyeen xilka qaadista Madaxweyne ku xigeenka Galmudug islamarkaana aanay jirin cid ka aamustay.

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta Galmudug kadib markii ay laba u kala qeybsameen madaxda maamulkaasi, wasaaradda arrimaha gudaha ayaa shalayku baaqday in arrintan si qoto dheer looga wada hadlo.

Hadda Xildhibaanada ayaa xilka ka qaaday dhammaan Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug sidda Madaxweynaha, ku xigeenkiisa, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa Koowaad

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment