933 Views

Dowladda oo sharaxdey Shuruudaha loo marayo in deynta la Cafiyo

Dowladda oo sharaxdey Shuruudaha loo marayo in deynta la Cafiyo
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa bogaadiyay hadalkii shalay ka soo yeeray Bankiga aduunka iyo hay’adda lacagta aduunka ee IMF ta ee ku aadanaa in Soomaaliya ay mudantahay in laga cafiyo deymaha faraha badan ee lagu leeyahay.

 

Shir Jaraa’id oo uu Maanta ku qabtey Muqdisho ayuu Wasiir Beyle ayaa sharaxay wadada loo marayo in ugu dambeyn Soomaaliya laga cafiyo deymaha iyo cidda deymaha ku leh.

 

 

 

Kulamo ay guddiyada sare ee Baniga adduunka iyo IMF yeesheen 12-13-kii bishaan ayey uga doodeen dekumenti ay shaqaalaha bangiga adduunka iyo IMF ka diyaariyeen Soomaaliya,iyaga oo sheegay in qiimeynta la sameeyay ay muhiim u tahay in Soomaaliya laga cafiyo inta badan US$5.3 billion ee lagu leeyahay.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment