882 Views

QM oo ka hadashay hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland

QM oo ka hadashay hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Axed    , March 22, 2020 —Qoraal kasoo baxey Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM ayaa waxaa lagu bogaadiyey hadalkii dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland ee ahaa in uu imaanayo Magaalada Muqdisho.

 

Qoraalka oo la soo dhigey Barta Twitter-ka ee UNSOM ayaa waxaa lagu sheegay inay arrintasi si aad ah u soo dhaweynayaan,sidoo kale ay amaanayaan wafdigii Dowladda Federaalka uga qeyb galay shirkii Wadatashiga Puntland.

 

 

 

Ugu dambeyn Qoraalka UNSOM ayaa waxaa lagu sheegay inay Isha ku hayaan Kulanka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni si loo hormariyo wada-hadalka danaha Guud.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland oo ka hadley booqashada la filayo in uu ku yimaado Magaalada Muqdisho ayuu sheegay in uu ku saleysan yahay sidii Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada ugala hadli lahaa gogosha uu u fidiyey si loo wada hadlo.

 

Dad badan ayaa Isha ku haya qorshaha uu Magaalada Muqdisho uu ku imaanayo Madaxweynaha Puntland Siciid cABDULLAAHI deni oo khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyo madaxda Dowladda Federaalka tan iyo markii lo doortey Madaxweynaha Puntland.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment