1350 Views

Gabadha Hoggaamiyaha mucaaradka Suudaan oo la xiray

Gabadha Hoggaamiyaha mucaaradka Suudaan oo la xiray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 31, 2019 —Laamaha ammaanka dalka Suudaan ayaa xabsiga dhigay gabar uu dhalay hoggaamiyaha mucaaradka Suudaan, Sadiiq Al Mahdi, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Labo kamid ah gawaarida booliska ayaa gaaray guriga ay degganeyd Maryan Sadiiq Al Mahdi shalay halkaas oo ay ka kaxeeysteen.

Maryan ayaa ah ku-xigeenka madaxa xisbiga Ummah oo ee u hoggaamiyo aabaheed oo 83 jir ah.

Toddobaadkii lasoo dhaafay, Sadiiq Al Mahdi oo horray ra’iisul wasaare uga soo noqday dalka Suudaan ayaa taageeray dibadbaxyada lagu codsanayo inuu iscasilo madaxweyne Cumar Al Bashiir.

Xiritaanka gabadhiisa, Maryan ayaa imaaneysaa xilli mid kamid ah saraakiisha ugu sarreysa dalkaasi uu maalin un ka hor shaaca ka qaaday in xabsiyada laga sii daynayo dadka loo xiray bannaabaxyada.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment