348 Views

Booliiska dalka Talyaaniga oo sheegay in shan qof loo qabtay tahriibinta muhaajiriin isaga kala gooshayey galbeedka Yurub

Booliiska dalka Talyaaniga oo sheegay in shan qof loo qabtay tahriibinta muhaajiriin isaga kala gooshayey galbeedka Yurub
____________________________________________________________________________

Khamiis: SEPTEMBER 15, 2022

Booliiska dalka Talyaaniga, ayaa sheegay in shan qof loo qabtay tahriibinta muhaajiriin isaga kala gooshayey galbeedka Yurub, iyagoo raacay diyaarado gaar ah.

Dadka la tuhunsan yahay, ayaa waxay siiyeen muhaajiriinta waraaqo diblomaasiyadeed oo been abuur ah, oo looggu tala galay wadanka ku yaalla Kariibiyaanka, ee St Kitts iyo Nevis.

Diyaaradda sida gaar ah loo leeyahay, ayaa si rasmi ah ugu sii jeeday Caribbean-ka, waxayna kasoo qaadey dalka Turkiga, iyagoo ku hakaday garoon diyaaradeed oo Yurub ah, halkaas oo ay muhaajiriintu ay ku dhawaaqeen si dhab ah inay magangelyo doon yihiin.

Booliiska ayaa waxay rumeysan yihiin in burcadda ay ka qaadeen dadka muhaajiriinta ah, illaa iyo €10,000 (£8,650) qofkiiba.

Shanta eedeysane ayaa lagu xiray magaalooyinka Rome iyo Brussels. Laba qof oo kale la tuhunsan yahay, ayaa wali ku dhex dhuumaaleysnaya Yurub.

Nin Talyaaniya, saddex nin oo Masaari ah iyo hal qof oo dumar ah oo u dhalatay Tunisiya, ayaa la xiray, sida uu sheegay taliyaha booliiska Costantino Scudieri, oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

Eedeysanayaasha ayaa lagu ashkateeyey inay ka tirsan yihiin hay’ad Dembiilayaal ah oo ku lug leh soo-galootiga sharci-darrada ah.

Hawlgalkan caalamiga ah, ayay saraakiisha Talyaanigu kaashanayeen saraakiil kale oo ka socota dalalka Belgium, Germany, Austria iyo France, iyo sidoo kale hey’adaha Midowga Yurub iyo Mareykanka ee baaritaanka.

Baarayaashu ayaa waxay diiwaan geliyeen shan duulimaad oo oo kala duwan oo ka kala dagay dalalka Talyaaniga, Jarmalka, Faransiiska, Austria iyo Belgium intii u dhaxaysay bilihii Oktoobar iyo Disembar ee sanadkii 2020-ka.

Booliiska dalka Belgium, ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay labo diyaaradood oo kuwa gaarka loo leeyahay ah, kuwaasoo qiimahoodu yahay 426,000 Yuuro, oo iyana la baari doono.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post