1575 Views

Kenya oo ka digtey iney halis uggu jiraan abaar saddex is maamul, sababo la xiriira roob yari.

Kenya oo ka digtey iney halis uggu jiraan abaar saddex is maamul, sababo la xiriira roob yari.
____________________________________________________________________________

.

Arbaco: June 30 2021

Dowladda Kenya ayaa ka digtey iney halis uggu jiraan abaar saddex is maamul, sababo la xiriira roob yari.

Dowladda dhexe ayaa kala shaqeyneysa madaxda maamuladani kaalmeynta qoysaska ay saameeyeen abaartan, sida uu sheegay wasiirka maamul hoos u daadajinta Kenya, Eugene Wamalwa.

Xoolaha ay leeyihiin bulshooyinka xoolo dhaqatada sida is maamulada Marsabit, Turkana iyo Mandera, ayaa u dhintey sababo macaluul xun oo jirta.

Tani ayaa keeneysa in goobahan lagu sifeeyo goobo halis uggu jira iney ka dhacdo abaar.

Dadka iyo qoysaska ay saameysay macaluushan xun, ayaa loo qeybinayaa lacag, iyo in loo sameeyo biyo dhaamin.

Wasiir Eugene Wamalwa ayaa intaa ku darey in dhammaan is maamulada kale ay raacaan shuruucda la dajiyey ee la xiriirta is baddalka cimilada, si ay awood uggu yeeshaan iney la dagaalamaan macaluusha xun ee jirta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post