870 Views

Madasha Xisbiyadda Qaran oo War kasoo saartay Shirka Farmaajo iyo Madaxda labo maamul goboleed

Madasha Xisbiyadda Qaran oo War kasoo saartay Shirka Farmaajo iyo Madaxda labo maamul goboleed
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 5 2020—Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Warsaxaafadeed kasoo saartay Shirka lagu waddo in uu Magaalada Muqdisho ku dhexmaro Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda labadda maamul ee Puntland iyo Jubbaland.

War kasoo baxay Madasha ayaa loogu baaqay Madaxweynaha Dowladda Federaalka inuu Shirka Muqdisho noqdo mid ay goobjoog ka yihiin dhammaan dowladaha xubnaha ka ah DF.

Waxa ay sheegtay in ay muhiim tahay in la qaado talaabadaan si looga gudbo khilaafka harreeyay hannaanka doorashada 2020, looga gaaro go’aanno kama dambeys ah oo loo dhan yahay.

Madasha ayaa soo jeedisay in dib u eegis lagu sameeyo qaar ka mid ah qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3.

Sidoo kale Madasha ayaa ku baaqday in la ballaariyo gogosha looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka dalka, laguna casuumo hoggaanka Ururada Bulshada Rayidka iyo Xisbiyada Siyaasadeed, si looga feejignaado wax kasta oo keeni kara khilaaf

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post