861 Views

Howlgal laga sameeyay degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose

Howlgal laga sameeyay degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose
____________________________________________________________________________

Ciidamada Ammaanka Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay ka sameeyeen degaano hoostaga Magaalada howlgallo lagu xaqiijinayay dhanka Amniga, kaas oo ka dhan ahaa Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaminayay Guddoomiye kuxigeenka Magaalada Marka ahna Taliyaha Nabadsugida degmadaas Maxamed Sheekh Xasan, waxaana laga sameeyay degaannada, Gaarilow, Farange iyo Shufeyri ee duleedka Marka.

Taliyaha Nabadsugida degmadaas Maxamed Sheekh Xasan ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa sidii looga hortegi lahaa weerarada Al-Shabaab iyo dhibaatooyinka ay dadka ku hayaan, wallow uusan shaacin dad ay ku qabteen howlgalka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciidamada Ammaanka ee Magaalada Marka ay howlgalka sii wadi doonaan ilaa degaannada hoostaga Magaalada laga saaro Ururka Al-Shabaab oo uu sheegay inay ka feejigan yihiin weerarada ay geystaan.

Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa mararka qaar saldhigyada Ciidamada dowladda weeraro kusoo qaada Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo ku sugan degaannada Xeebta ah ee Magaalada Marka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post