2496 Views

Itoobiya Iyo Ereteriya Oo Heshiis Kala Saxiixanaya

Itoobiya Iyo Ereteriya Oo Heshiis Kala Saxiixanaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 15, 2018 – Labada dal ee Ethiopia iyo Ereteriya ayaa ku tala jira inay heshiis nabadeed ku kala saxiixdaan magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Sida ay faafisay warbaahinta maxaliga ah ee Sacuudiga, waxaa goobta heshiiskaasi ay labada dal ku kala saxiixanayaan ka qeyb galaya Boqorka Sacuudiga iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, waxaana xafladda saxiisa heshiiskaasi uu dhacayaa berito oo Axad ah.

Talaabadan ayaa imaaneysa kadib dadaalka ay labada dal uga jiraan soo celinta xiriirkooda oo muddo go’anaa, waxayna go’aansadeen inay soo afjaraan dagaalkii iyo cadaawadii u dhaxeysay, ka gadaal markii uu xukunka Ethiopia la wareegay R/wasaare Abi Ahmed.

Sidoo kale laba dal ayaa si rasmi ah dib ugu furay xuduudooda iyagoo eegaga masaalixdooda iyo tan shacabka ay labada hogoomiye madaxda ka yihiin.

Sanadkii 1998 dii ayay aheyd markii Ethiopia iyo Ereteriya uu ka dhex qarxay dagaalka oo ay labada dhinac uga dhinteen askar iyo dad aad u fara badan, wuxuuna dagaalkaasi ahaa kii ugu dheeraa ee Afrika wadamo ka tirsan ka dhaca.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment