591 Views

Shacabka Soomaaliyed oo soo dhaweeyay Hadalkii xalay Rooble ee ku aadanaa dilka Ikraan Tahliil

Shacabka Soomaaliyed oo soo dhaweeyay Hadalkii xalay  Rooble ee  ku aadanaa dilka Ikraan Tahliil
____________________________________________________________________________

Axad: September 5, 2021

Waxaa magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka laga soo dhaweeyay hadalkii xalay ka soo yeeray Raysal wasaare Rooble ee  ku aadanaa dilka Ikraan Tahliil .

Rooble ayaa xalay qaboojiyay Qalbiyada kumanaan kun oo qofood oo aad uga carooday dhaqanka Xun ee uu wado Taliyaha NISA Fahad yaasiin.

Sidoo kale Hadalka Rooble ayaa ah mid ay ku qancayaan shacabka Soomaaliyeed iyo reerka ay ka dhlatay Ikraan Tahliil, kadib Markii uu u qabtay 48 saacadood oo ku aadan Habeen Danbe maqribadii.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in mudadii labada bilood aheyd ee kiiskaan uu taagnaa uu si dhaw ula socday arrintaan, islamarkaana uu hey’adda NISA mar hore ka dalbaday in kiiskaas ay ka bixiso xog dhameystiran.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post